Duqa Muqdisho Oo faray D/Hoose In Loo Istaago Xal U Helidda Dhibaatooyinkii Ka Dhashay Roobabka

Date:

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) Oo kormeeray xaafadaha ay sameeyeen roobabkii ka da’ay Caasimadda ayaa faray laamaha Dowladda Hoose iyo waaxyaaha gurmadka degdegga ah in ay u istaagaan xal u helidda saameynta fatahaadaha ka dhashay roobabka ka da’ay Muqdisho oo sababay dhibaatooyin isagu jira burbur guryo iyo mid beni’aadannimo.

Guddoomiyaha iyo xubno kale oo la socday ayaa kormeeray degmooyinka Boondheere, Shangaani, Xamar-weyne, Wadajir, Xamar Jajab iyo is-goyska nambar afar, isagoo si gaar ah uga qeybgalay samata bixinta qoys uu gurigii ay kunoolaayeen uu roobka soo dumiyay.

Guddoomiye Cumar Filish oo dhageystay  xaaladda dhinaca nolosha ee bulshada ku dhaqan qaar kamid ah degmooyinka uu Guddoomiyuhu kormeeray ayaa sheegy sida ay uga go’an tahay Maamulka Gobolka Banaadir in ay ka shaqeeyaan yareynta xaaladda beni’aadannimo  ee soo food-saartay dadka danyarta ah oo u badan barakacayaasha.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha ayaa amray in la dardar geliyo howlaha faya-dhowrka caasimadda, deg-degna ay howl-wadeennada Dowladda Hoose uga shaqeeyeen sidii loo furi lahaa marinnada halbowlaha u ah isu socodka bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...