Hoygii uu ku dhashay Hitler oo loo aqoonsaday xarun Boliis

Date:

Guriga uu ku dhashay hoggaamiyihii hore ee dalka Jarmalka Adolf Hitler ayaa noqon doona ama  loo badalay saldhig boolis,sida uu ku dhaqaaqay  wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Austria, ka dib markii sanado badan laga dooday sida ugu wanaagsan ee looga hortagi karo in hoygaasi uu noqdo  goob laga aasaaso xisbiga Naasiga cusub.

Hoygaasi oo la tilmaamay in si qasab ah lagu iibiyay ayaa wararku intaa ku darayaa in lagu sameyn doono qorsho dib loogu qaabeynaayo dhismihiisa waxana , laga dhigi doonaa xafiisyo ay ku howlgalaan booliiska maxalliga ah.

In kasta oo Hitler uu ku dhashay magaalada Braunau ee ku taalla xadka Jarmalka sanadkii 1889, Austria waxay ku dooday in ay aheyd  dhibbanayaashii ugu horreeyay ee la kulma dhibatadii xisbiga Naasiga sanadkii 1938.

Adolf Hitler oo talada dalka  Jarmalka haayey sanadihii u dhexeeyay 1933-1945, wuxuu ahaa hoggaamiyaha loo tiriyo in uu bilaabay Dagaalkii Labaad ee Aduunka ,isagoo si gaar ah loogu eedeeyay in uu xasuuq u geystay dad Yuhuud ah oo gaaraya ilaa lix milyan oo ruux.

Dowladda Austria waxaa in muddo ah saarnaa culeys la xiriiray in ay gacan ku laheyd mamulkii xisbiga Naasiga ee isku dayey in ay qabsadaan caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...