Wasaaradda Cadaaladda  oo Muqdisho  ka furtay siminaar ku saabsan habraaca sharci qorista.

Date:

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa magaalada Muqdisho ka furay tababar la xiriira sameynta tirakoobka sharciyada dalka.

Tababbarkan oo socon doono muddo labo cisho ah, isla markaana lagu baran doono habraaca sharci qorista oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caddaaladda ayaa waxaa ka qeyb galay Howlwadeenada Wasaaradda iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa kula dar daarmay shaqaalaha tababarka loo furay inay ka faa’iideystaan fursadda soo martay, ayna uga faa’iideeyaan inta aan nasiibka u yeelan, ayna ka soo dhalaallaan howlaha loo igmaday.

“Arrinta maanta la idinku yeeray waxa ay tahay inaad ka qeyb gashaan tababarka oo wacyi gelin ahaan u joogtaan xafiisyada aad joogtaanna si daacad ah ula shaqeysaan, idinkoo aad ilaalineysaan sharciga dalka u degsan, ahmiyadda labaad ayaa ah in la joogteeyo wada shaqeynta Wasaaradda iyo hay’adaha ku shaqada leh” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda.

“Wasaaradda Cadaaladda waxa ay shaqadeedu tahay inay arruuriso sharuucda dalka u degsan, keydiso iyadoo kaashaneyso xafiiska Garyaqaanka guud oo shaqadooda tahay inay soo saaraan faafinta rasmiga ah, marka waxaa loo baahanyahay in sharuucda dalka loogu soo hagaago Wasaaradda Cadaaladda iyo xafiiska garyaqaanka Guud” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka oo shaaciyay inay qorsheynayaan hirgelinta maktabad lagu keeydinayo sharuucda.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Wasaaraddu ay tirikoob ku sameyn doonto sharuucda dalka laga soo bilaabo xiligii maxmiyadda ilaa iyo markii la qaatay xoriyada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...