Mashruuc Ay Malaayiin Dolar Ku Kacaya Oo Ay Soomaaliya Ka Faa’iidi Doonto

Date:

Dowladda Soomaaliya iyo mashruuca horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) ayaa maanta bilaabay mashruuca la qabsiga cimilada oo gacan ka geysanaya in bulshada miyiga ku nool ay helaan biya ku filan.

R/Wasaare ku-xigeenka dalka ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wakiilka UNDP ee Soomaaliya, Jocelyn Mason ayaa si wadajir ah u saxiixay mashruuca.

Mashruuca cusub oo afar sano ah waxaa hoggaaminaya xafiiska R/Wasaaraha, waxaana dhaqan gelinaya wasaaradda tamarta iyo khayraadka biyaha. Mashruuca waxaa ku baxaya 10 malyuun oo doolar, oo $8.5 milyan oo kamid ah uu bixinayo sanduuqa hey’adda deegaanka adduunka, iyada oo 1.5 Milyan ee soo hartay uu bixinayo mashruuca horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP).

Laba ama shan sano kasta gudahood, Soomaaliya waxa ay wajahdaa dhibaatooyin ka dhashay isbedelka cimilada adduunka oo ay kamid yihiin fatahaado, duufaanno iyo abaaro, kuwaas oo qayb ka qaata barakaca bulshada, sarana u qaada tartanka loogu jiro biyaha iyo dhulka

Saameynta ka dhalatay isbedelka cimilada ee sii yareysay kheyraadka biyaha ee makii horaba cariiriga ahaa ayaa sababi kara inuu sii huriyo rabshadaha bulshada dhexdooda ah.

Xoola dhaqatada ayaa ugu nugul isbedelka ku yimaada cilimada sababta oo ah waxa ay xoolahoodu ku tiirsanyihiin oo ay quutaan cagaarka kusoo baxa roobka, badankoodna mana lahan dhul daaqsin ah oo leh biyo xilliga Abaaraha oo gaar ay u leeyihiin iyadoo muran iyo dagaalo ka dhasha wadaagga biyaha uu sababo dagaalo ahli ah oo dhexmara xoolo dhaqatada.

“Waxa aan si xad dhaaf ah ugu faraxsanahay in aan arko billaabashada mashruucaan, in la helo biya nadiif ah waxa ay nolosha u badbaadineysaa si toos ah, sidoo kalana waxa ay si dhaw ula xariirtaa amniga cunnada, dakhliga, yareynta saboolnimada, nabadda iyo amniga.” ayuu yiri Wakiilka UNDP ee Soomaaliya, Jocelyn Mason.

Mashruuca oo si dhow ula shaqeynaya bulshada ayaa siinaya tababarro la xariira maamulidda daadadka iyo ilaalinta biyaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...