Jaaliyadda Soomaaliyeed ee VΓ€rmland, Sweden Oo Aruurinaysa Deeq Lacageed

Date:

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan qaaradda Yurub ayaa haatan bilaabay aruurinta deeqo lacageed si ay uga qeyb qaataan samata bixinta qoysaska Soomaaliyeed oo ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadkii ka dhashay roobabkii dalka ku dhuftay.

Maxamed Faarax Canshuur oo ah wariye madax bannaan oo ku sugan magaalada Karlstad ee Gobolka VΓ€rmland ee dalka Sweden oo la hadley Radio muqdishoΒ  ayaa sheegey in jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden ay dadaal dheeri ah ku bixiyeen sidii ay qeybtooda uga qaadan lahaayeen gurmadka socda.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden ayaa wada qorshe ay ku aruurinayaan dhaqaale ay damacsan yihiin in kaga qayb qaataan taakulada qoysaskii ay ku habsatay fatahaadaha webiga iyo daadadka roobabka xilliga deyrta.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalka ayaa deeqihii ugu horreeyay gaarsiiyay qoysaska ay dhibaatada ka soo gaartay fatahaadaha waxaana Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee hadda billaabeen in ay aruuriyaan lacago ay doonayaan in ay gacan kaga geystaan gurmadka fatahaadaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo maanta si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed & Ciidamada Amniga Jubbaland oo howlgal ballaaran ka wada deegaanno ka tirsan Jubbooyinka

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Amniga Jubbaland, ayaa...