Haweeney La Dhalatay Abuubakar Al-Baqdaadi Oo Gacanta Lagu Dhigay

Date:

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in la qabtay haweeney la dhalatay Hogaamiyihii hore ee Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi, kadib howlgal laga fuliyay waqooyiga Suuriya.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Rasmiya Awad ayaa da’deeda lagu sheegay 65 sano jir, waxaa Isniintii shalay lagu qabtay howlgal ciidan oo ka dhacay meel u dhow magaalada Azaz.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in qabashada haweeneydan uu faa’iido u noqon karo in la ogaado sirta gudaha ee Kooxda Daacish.

Abuubakar Al-Baqdaadi ayaa is qarxiyay bishii la soo dhaafay, kadib markii Ciidamada gaarka ee Mareykanka ay howlgal ku galeen guri uu degenaa oo ku yaalla waqooyiga Suuriya.

Wareyska Newyork Times ayaa ku warramay in Baqdaad ay la dhalatay 5 wiil iyo dhowr gabdhood, balse ma cada in ay dhammaan nool yihiin iyo in kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...