Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Diyaarado Gargaar U Direysa Gobollada Fatahaaduhu Saameeyeen

Date:

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in diyaarado sida gargaar u dirto deegaannada ay saameeyeen fatahaadaha iyo roobabka ee Gobollada Hiiraan, Baay iyo Gobolka Gedo.

Sida wararku sheegayaan magaalooyinka gargaarka la gaarsiin doono ayaa waxaa ka mid ah magaalooyinka Beledweyne, Baardheere iyo Bardaale oo dhowaan roobab daadad watay uu saameeyay boqolaal qoysas ah.

Wabiyada Shabeelle iyo Jubba ayaa ku fatahay deegaano ka tirsan Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana fatahaadaas ay sababeen in kumanaan qoysas ka barakacaan guryahooda, kuwaasoo la soo deristay xaalado nololeed.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladdu ay dhowr diyaaradood oo gargaar sida ay u diri doonto magaalooyinka ay xaaladaha bani’aadanimo ka jiraan.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa dadaalo aan loo kala harin oo gurmad ah waxay ka wadaan gudaha dalka iyo dibaddiisa, si ay ugu gurmadaan dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha webiga, waxaana dhowaan magaalada Garowe ka baxay gawaari xamuul ah oo gargaar u sida dadka reer Beledweyne, waxaana shacabka Garowe ay sameeyeen gurmad ballaaran oo ay wax kasta oo ay heli karaan ugu gurmadeen walaalahooda reer Beledweyne.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...