Dowladda Turkiga oo dalalka islaamka ugu baaqday in Somalia loo gurmado.

Date:

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Turkiga Mevlรผt ร‡avuลŸoฤŸlu ayaa dowladaha iyo shacuubta islaamka ugu baaqay in ay gacan weyn ka geestaan caawinta dadka Soomaaliyeed ee la dhibaateysan fatahaadda wabiyada Jubba iyo Shabelle.
ย 
Wasiir ayaa hadalkaan ka jeediyay shir ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee ururka iskaashiga islaamka oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya kaas oo ka qabsoomay magaalada Doxa ee dalka Qatar.
ย 
“Waa inaan meel iska dhignaa khilafaadka dhexdeena ah isla markaana aan qaadanaa mowqif mid ah si Soomaaliya loogu soo dabaalo nabad iyo barwaaqo, beesha caalamka waxaan ugu baaqeynaa inaysan ildhaha ka laaban dhibaatada ka jirta Soomaaliya” ayuu wasiir Mevlรผt ร‡avuลŸoฤŸlu.
ย 
Waxaa uu soo hadal qaaday dib u dhiska ciidanka Qaranka Soomaaliya waxaana uu sheegay wasiirka in dowladiisu ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay garab ku siineyso la dagaalanka argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...