Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka

Date:

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxweyne ku-xigeenka bangiga adduunka, Xafiz Ghanim oo dalka soo gaaray maanta, xarigana ka jaray xafiiska cusub ee Bangiga adduunka oo Muqdisho laga furay.

Kulanka oo ay ka qayb gashay agaasime gobaleedka IFC ee Afrika, Ms Jumoke Jagun-Dokonmu ayaa looga hadlay dar-dar gelinta qorshaha deyn cafinta dalka, barta go’aanka ee Febraayo 2020 iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Shirka kadib Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo madaxweyne ku-xigeenka bangiga adduunka ayaa si wadajir ah uga war bixiyay kulanka.

Xafiz Ghanim ayaa kulanka ka caddeeyay inuu ku farxsanyahay in booqashadiisa ay ka tarjumeyso sida bangiga aduunka ay uga go’antahay taageerada Soomaaliya, shaqada wanaagsan ee dowladdu qabatay iyo hagaajinta lagu sameeyay hay’adaha dhaqaalaha dalka, waxuuna madaxda dowladda uga mahad celiyay hoggaanka wanaagsan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Bangiga adduunka uga mahad celiyay taageerada ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa caddeeyay in ay xukuumaddu sii wadi doonto dadaallada loogu jiro gaarista barta go’aanka ee Febaraayo.

Xafiz Ghanim ayaa shirka uu Ra’iisul Wasaaraha la yeeshay kadib waxa uu xafiiska madaxweynaha si wadajir ah ugula shiray madaxweynaha jamhuuriyadda, mudane Maxamed Cabduullahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Madaxweynaha oo bogaadiyey dadaalka xukumadda ee dayn cafinta iyo horumarinta hannaanka maamulka maaliyada, ayaa bangiga adduunka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo dadaal xooggan gelisay qorshaha deyn cafinta, ayaa ku guuleysatay in buuxda looga soo baxo dhammaan shuruudihii deyn cafinta ee SMP1SMP2, iyo SMP3, meel gebabeba ah lasoo gaarsiiyo SMP4.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...