Wasiir Maareeye oo shaaciyay in gurmad ballaaran uu maanta gaari doono Beladweyne.

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo xubin ka ah Guddiga Qaranka ee gurmadka fatahaadaha ayaa sheegay in gurmad ballaaran uu maanta gaari doono magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wasiirka oo ka waramayay xaaladda fatahaadda ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay aysan ka soo darin dhammaan deegaannada sidii ay ahayd 24 saac ka hor, isagoo xusay in goobta ugu qasaaraha badan ay tahay magaalada Beladweyne.

“Ilaa iyo hadda waxaa ugu dhibaato badan oo qasaaraha ugu badan oo dalka ka dhacay ay tahay Degmada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan, oo runtii dad gaaraya 300,000 oo qof dad ka badani ay ka qaxeen guryahoodii, dhammaan wixii ay heysteena ay ka baaba’een, oo ku sugan meel aad u kooban oo Beladweyne duleedkeeda ah’ ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray inay jiraan meelo kale oo fatahaado ka dhaceen oo ay ka midyihiin Degmooyinka Baardheere iyo Belad-Xaawo oo ka wada tirsan Gobolka Gedo halka magaalada Bardaale ee Gobolka Baay roobab xoogleh oo ka da’ay ay sababeen inay biyo badan ku rogmadaan magaalada, taasi oo aan ahayn biyo ka yimid Webi balse roobabka ay keeneen daadad xoog badan oo sababtay inay dadku ka barakacaan magaalada.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay guddi heer sare ah u magacawday arrintan, isagoo intaa ku daray in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay baaq ka saareen oo ah in loo gurmado dadka ay saameysay fatahaaduhu.

Wasiir Maareeye ayaa yiri “Runtii dadku waxa ay u baahanyihiin taakuleen, dowladdu wixii karaankeeda ah wey geysay, inkasta Airport-ka Beladweyn uu naga xirnaa labo maalmood, waxaa nasiib wanaag ah in uu hadda dib u furmay, oo shalay naloo sheegay in Airport-ku uu furanyahay, maanta waxaa tegi doona wafdi ballaaran oo ay xubnaha guddiga, dad badan oo ka socda Baarlamaanka Soomaaliya  iyo dadkale oo farsamo-yaqaanno  ka ah oo ku shaqada leh oo ka socda Wasaaraha ay maanta tegi doonaan oo gar gaar wada”.

Dowladaha Qatar, Turkiga iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa la sheegay in dhankooda ay gacan ka geysan doonaan kaalmo gaarsiinta dadku ay fatahaaduhu saameeyeen

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa bogaadiyay dadaallada ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka ee kaalmada loogu aruurinayo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay madaxda Hay’adda SoDMA

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta...

Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho

Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...