Wasiir Beyle oo Dalka Ivory Coast kula kulmay madaxda Bankiga horumarinta Afrika.

Date:

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo madaxda Bangiga Hormarinta Afrika kala hadlay, sidii ay gacan uga geysan lahaayeen deyn cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Dowlaadda Federaalka ee Soomaalia Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo kusugan Magaalada Abidjan ee Dalka Ivory Coast ayaa kulan u kula yeeshay gudoomiye ku xigeenka Bankiga Hormarinta Afrika waxay kaga wada hadleen sidii Bangigu dhinacyo badan uga taageeri lahaa Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadan karaan dadaalada deyn cafinta Soomaaliya.

Socdaalka Wasiir Beyle ayaa ujeedadiisu tahay sidii uu madaxda Bankiga horumarinta Afrika ula wadaagi lahaa Hormarka Maamulka Maaliyadda Soomaaliya laga saameyey iyo kor u qaadista dakhliga gudaha Dalka.

Khaalid Shariif oo ah Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Horumarinta Afrika ayaa soo dhaweeyey sida ay Soomaaliya uga go’antahay inay waqti kooban kaga gudubto dhibaatooyinkii dhaqaale ay lasoo kulantay muddadii burburka, waxa uu xusay sida ay dhankoodu ugu heellanyihiin inay Soomaaliya ka gacan siiyaan, sidii deynta looga cafin lahaa.

Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa dhawaan Magaalada Washington kaga qeybagalay shirkii sanadlaha ahaa ee Hay’adda lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka, halkaas oo uu wasiirku kulamo kula yeeshay madaxda labada Hay’adood isla markaana uu kala hadlay sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...