Gurmarka Dadka reer Baladweyne oo si xowli ah u socda.

Date:

Howlaha Gurmadka dadka ku wax yeelloobay fatahaadaha ayaa si xowli ah uga socda gobollada dalka iyo dibaddiisa.

Waxaa lacago ay gurmadka uga qayb qaadanayaan ku yaboohay dowladda Soomaaliya, Shirkado Ganacsi, Hay’do iyo ururro kala duwan. Sidoo kale waxaa socda dadaallo ay si goonni ah u wadaan bulshada oo is abaabulay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay Nus Malyuun Doollar si hordhac aga qeyb qaadaneyso gurmadka la gaarsiinayo dadka fatahaaddu saameysay.

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa sheegtay in ay bixineyso $ 200.000

Rugta Ganacsiga iyo Ganacsato Soomaaliyeed ayaa ku deeqay lacag ka badan $600.000
Shirkadda Dahabshiil ayaa gurmadka uga qeyb qaadaneysa $150,000
Culimaa’udiin iyo Waxgarad is abaabulay ayaa Garoowe uga dhawaaqay inay gurmadka dadka tabaaleysan u hayaan lacag dhan $ 164,000
Shirkadda Korontada ee Muqdisho ayaa ku yaboohday $ 30,000

Ururrada kala duwan ee dhallinyarada dalka, Jaamacadaha, Iskuullada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa iyaguna si is-xilqaan ah u wada ururinta tabarrucaadda, iyagoo suuqyada iyo xaafadaha la maraya codbaahiyeyaal, halkaas oo qof waliba wixii karaankiisa ah uu ku soo ridayo lambarro loo sameeyay tababarrucaadda ama wixii kale ee ay kaga qeyb qaadan karaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...