Shacab iyo Mas’uuliyiin Dooni kula dagtay Wabiga Baladweyne

Date:

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Doon ay sarnayeen Mas’uuliyiin ka tirsan gobolka iyo kuwa degmada ,dad shacab ah ay ku gadoontay  fatahaada biyaha Wabiga ka dhashay.

Dadka Doonta la socday ayaa ku dhawad garaya 30 ruux oo u badnaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle, Duqii degmada Beledweyne, guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Askar iyo dad shacab ah ayaa la sheegay in ay ku sii jeeda deegaanka Ceeljaalle oo ah halka ay u barakaceen dadkii ka hayaamay  Fatahaadda Wabiga Shabeelle.

dadka la soo badbaadiyay ay ka mid yihiin Duqa degmada Beledweyne Safiye Sheekh Xassan Cali Jimcaale iyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax.

Dhanka kale waxaa ilaa iyo hada biyahay lagu la’yahay dad ka badan 10 ruux oo ay ka mid tahay La taliyihii dhinaca Haweenka ee madaxweynaha dowlad gobolleedka HIrshabeelle

Fatahaaddauu sameeyay Wabiga Shabeelle ayaa saameyn xooggan ku  yeeshay xaafadaha magaalada Baladweyn, iyadoo ay jiran dad wali ku  go’doonsan biyaha dhaxdooda.

.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo shir deg deg ah ka yeeshay amniga Doorashada

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano),...

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...