Danjire Tarsan” Ma jiro kulan dhexmaray Madaxwayne Farmaajo iyo Safiirka Maraykanka ee Kenya”

Date:

Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in safiirka Mareykanka ee Kenya, Kyle McCarter uu Muqdisho kula kulmay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kalana hadlay in Soomaaliya ka laabato kiiska badda ee horyaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda.

Kyle McCarter oo wareysi siiyey wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa shaaca ka qaaday inuu safar ku tagay magaalada Muqdisho,Isagoo oo Madaxweyne Farmaajo kala hadlay arrimo quseeya Badda Soomaaliya ee Kenya muranka galisay.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa beeniyey in safiirka uu la kulmay madaxweynaha.

Waxaa kale oo uu Safiir Tarsan sheegay in Safiirka Mareykanka ee Kenya uu dhowr bilood ka hor tagay magaalada Muqdisho markaasna uusan wax kullan ah laqaadan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqshada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor.” Ayuu Tarsan ku yiri qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay facebook.

“Wargayska Kenyaanka ah ee qoray warbixintan waxaa looga baahanyahay inuu iska hubiyo warbixinnada uu faafinayo.” Ayuu sii raaciyey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...