Ciidamada Badda Midowga Yurub Oo Ka Geystay Badbaadada Qaar Ka mid Ciidanka Badda Oo Dooni Cilad Kaga Dhacday

Date:

Howlgalka Ciidamada Badda Midowga Yurub ee ATALANTA ayaa soo badbaadiyay Ciidamo ka tirsan Badda Soomaaliya oo Doon ay wateen cilad farsamo soo wajahday, xilli ay marayeen qiyaastii meel 60KM waqooyi ka xigta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Markab dagaal uu leeyahay dalka Spain, qeybna ka ah howlgalka ATALANTA ayaa si degdeg ah ugu gurmaday Doonta ay la socdeen Ciidamada Badda Soomaaliya, kaddib markii ay la kulmeen cilad farsamo oo soo wajahday doontooda.

War saxaafadeed ka soo baxay Howlgalka Midowga Yurub EY NAVFOR Somalia ayaa lagu sheegay in wada shaqeynta u dhaxeysa Ciidamada Booliska Dekeda Muqdisho, Ciidamada Badda Soomaaliya iyo Howlgalka ATALANTA uu go’aamiyay in si dhow loo caawiyo Ciidamadii ka tirsanaa Badda Soomaaliya ee cilada farsamo soo wajahday, isla markaana xiriir lala sameeyay ay sahashay Markab dagaal uu leeyahay dalka Spain oo ka ag dhowaa Xeebaha Soomaaliya inuu u gurmado oo uu caawiyo shaqaalaha iyo ciidamadda badda

Taliyaha Howlgalka ATALANTA Antonio Planells Palau ayaa sheegay howlgalkan ay hoggaamineysay Markabka dagaalka Spain ESPS Canarias, isla markaana ay si degdeg ah uga jawaabeen codsiga.

Waxaa uu sheegay in howlgalka ATALANTA ay ka go’an tahay inay ilaaliyaan amniga Xeebaha Soomaaliya, isla markaana ay ka taageerayaan dhinacyada kala duwan ee ay wadaagaan Gobolka, isagoo xusay inay ku faanayaan inay soo badbaadiyaan ciidamadda Badda Soomaaliya iyagoo badqaba.

Operation ATALANTA Assists Somali Navy Personnel Stranded off the Coast of Cadale

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo si rasmi ah loo shaaciyay

Guddiga Hubinta Iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi...

50-kamid ah Ciidanka xaq u dirirka degaanka oo laga sagootiyay Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar...

Wasiirka Maaliyadda oo daah-furay hannaanka saxiixa Danabeysan ee Maamulka lacag bixinta

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige,...

Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay isu soo bax lagu taageerayay doorashada qof iyo codka ah

Xalay waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Taleex, isugu...