Dhismaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida Qeybta 21-aad oo meel wanaagsan maraya

Date:

Taliyaha qaybta 21-aad Gen; C/Casiis C/laahi Cabdi “Qooje” iyo Saakiisha Maxkamada Ciidanka Qalabka sida qeybta 27-aad ayaa kormeeray dhismaha xarunta Maxkamada ciidanka qalabka sida qaybta 21-aad oo laga hirgalinayo Magaalada Gaalkacyo oo xilligaan maraya meel gaban gabo ah.

Kormeerkan waxaa qeyb ka ahaa ku Xigeenka Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya G/le “Keyse” , iyo Saraakiil kale.

Saraakiisha ayaa u kuur gashey waxyaabaha ka dhiman xarunta Maxkamada oo hirgelinteedu horseedi doonto in la qaado dacwadaha loo heysto eedeysanayaal ku Jira Xabsiyada kala duwan ee Ciidanka.

Taliyaha qeybta 21-aad ayaa tallaabada dhismaha xaruntaan ku sheegey in ay ka mid tahay juhdiga uu taliskiisu tan iyo markii lasoo Magacaabey ku bixiyay dhismaha xarumaha adeegga ee Ciidanka, isagoo intaa raaciyay in ka shaqeysiinta Maxkamaddu ay tusaale buuxo u tahay Dowladnimada iyo kala sarreynta sharciga Dalka.

   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...