Ciidanka Xoogga Dalka Oo Howl-gal Ka Dhan Ah Nabad diidka Al-Shabaab Baardheere Ka Sameeyay

Date:

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo weli baacsanaya haraadiga Argagixisada Al-shabaab ayaa howl-gallo ka sameeyay deegaanka Raydab oo qiyaastii 40-Km dhanka Waqooyi kaga beegan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Taliyaha Ururka 49-aad, Guutada 10-aad, qeybtiisa 43-aad ee Ciidanka XDS Dhamme, Cali Maxamed Xasan, ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay howl-galka ku dileen xubno badan oo ka mid ahaa Al-Shabaab, kuwo kalena ay nolol ku soo qabteen.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Argagixisadu ay ka soo furateen hub iyo Ari gaaraya Saddex Boqol oo ay horay uga dhaceen shacabka halkaasi deegaanka, iyagoo xoolahihii ay ka soo dhiciyeen gacanta argagaxisada ay dib ugu celiyeen shacabkii iska lahaa oo ay horey si xoog ah uga soo qaateen nabad diidka Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-Xiddigle...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo...

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Waraaqaha Aqoonsiga Danjiraha Cusub ee Dalka Aljeeriya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...