Xaquuq siinta aqoonta xoogga dalka oo ka bilaabatay Q,21aad ee Galmudug.sawiiro”

Date:

Taliska 21-aad oo Fulinaya Qorshaha Xukuumada ee Ku Saleysan Bixinta Xuquuqda Agoonta Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Maanta Bilaabey Wajiga Koowaad ee Nidaamka Dhaxal Koobka kaa oo Suurta Galinaya In Xuquuqda la Siiyo Agoonta Waalidkooda Ku waysey Difaaca Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed

Abaanduulaha Qaybta 21-aad G/Le Aadan Siyaad Cabdi ayaa magaalada Cadaado ka Daah Furay Howshan waxaana Goob joog ka ah Saraakiil Sare oo ka Tirsan Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida Gaar ahaan Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Q,27-aad Dhamme Maxamed Amiin Aadan iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Ciidanka Dhamme Maxamed C/Qaadir Maxamed oo Howlo Shaqo u Jooga Xarunta Taliska ee Magaalada Cadaado

Dowlada Soomaaliyeed oo Ahmiyad gaara siineysa Dhismaha Ciidanka Qalabka Sida ayaa Meel wanaagsan Marineysa Hab raaca Diiwaan Galinta Ciidanka iyadoo Bixinta Xuquuqda Agoonta Ciidanka ay Qayb muhiima ka Tahay Qorshaha Bixinta Xuquuqaadka Ciidanka oo Dowladu Ku Guuleysatey .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo fashiliyay weerar Khawaarijta kusoo qadeen Wargaadhi.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka, ayaa fashiliyey...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- The Federal Republic of Somalia expressed thankfulness to...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday.

1- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mahadnaq ballaaran u jeedisay...

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay...