Soomaaliya oo xustay Maalinta Boostada Adduunka

Date:

(Muqdisho, Oktoobar 9, 2019) Dalka Soomaaliya ayaa maanta boostada caalamka la xusaya Maalinta Boostada Adduunka, iyada oo sanadkan ay ku soo aadeyso xilli Boostada Soomaaliya ay u buuxsantay muddo 60 sano ah markii aan xubinta ka noqonay Ururkaas.

Isaga oo ka hadlayay xuska munaasabaddan, ayaa wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng. Cabdi Cashuur Xasan, waxa uu sheegay in ay heer gabagabo ah marayaan dadaallada dib loogu billaabayo dirista boostada dalka, taas oo dhammaystiri doonta dib-u-howlgelinta boostadii dalka.

Md. Eng Cashuur ayaa intaasi ku daray in Wasaaraddu ay ka shaqeyneyso sidii loo soo celin lahaa adeegyadii iyo sharaftii ay lahayd boostada dalka, isla markaana u noqon lahayd goob loogu soo hagaago adeegyada boostada casriga ah iyo kuwa dawladda ee ay muwaadiniintu u baahan yihiin.

Wasiirka ayaa qiray inkastoo ay sii kordheyso adeegsiga teknolojiyada adduunka oo dhan, haddana in weli aan laga maarmin kaalinta boostada maadaama ay yihiin adeegyo dhamaystiraya hawlaha ay Boostadu u hayso dadweynaha.

Maalinta Boostada Adduunka waxaa looga dhawaaqay Shirweynihii Midowga Boostada Adduunka ee lagu qabtay magaalada Tokyo ee dalka Japan sanadkii 1969-kii . Ujeeddada laga leeyahay xuska maalintan ayaa ah sidii loo kordhin lahaa wacyi-gelinta dadweynaha ee kaalinta ay boostadu ku leeyahay horumarka dhaqan-dhaqaale ee dal kasta.

Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay ku biirtay Midowga Boostada Adduunka 1dii Abriil 1959-kii, taas oo ah waqti ka horreeyay qaadashadii gobannimada. Hase yeeshee nasiib darroo adeeggaas oo ay ka shaqeyn jireen in ku dhow 3 kun oo qof oo Soomaali ah ayaa la burburay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...