Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Kasoo Saartay Cumar C/qaadir Sh.Nuur Xuseen

Date:

Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa loo heystaa dillka Allaha Unaxariiste Ex. Dable Boliis Jamaal  Abuukar Jiinow oo uu ku dilay degmada Waaberi 22-kii March ee Sanadkan kadib markii uu ka hor istaagay dhac uu u geysanayay mid kamid ah rayidka ku dhaqan degmada Waaberi.

Baaritaanka Dable Xoogga Dalka Cumar C/qaadir Sh.Nuur Xuseen ayaa qaatay waqti dheer maadaama xilliga uu dhaca geysanayay ay aheyd xilli dambe oo habeen ah, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta usoo gudubtay Eedda eedeysanaha  20-kii July Sanadkan.

Xilligaaas ayuu Codsaday Xafiiska In loo gudbiyo Eedeysanaha Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

Xafiiska oo wixii xilligaas ka dambeeyay isku howlay aruurinta Xogta la xiriirta sida ay wax u dhaceen ayaa  ugu dambeyn codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda Sadexdii bishii lasoo dhaafay ee September.

24-kii September ayaa loo ballamay fadhiga Maxkamadda waxaana ugu horreynba  loo jeediyay eedeysane Dable Xoogga Dalka Cumar C/qaadir Sh.Nuur Xuseen eed ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalab Sida, waxaana eedeysanaha la weydiiyay jiritaanka eedaha ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa fursad loo siiyay soo bandhigidda Cadeymaha la xiriira Qodobada ay kusoo eedeeyeen oo ka koobnaa Dil iyo Dhac.

Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeen Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor akhriyay Qiraalka eedeysanaha uu ka qoray Garsoorka Ciidamada Qalabka  Sida kaas oo  uu eedeysanaha ku cadeystay in xilliya kala duwan uu  dhac ka geystay degmada  Waaberi, waxa ay sidoo kale fadhiga Maxkamadda  xafiiska Xeer Ilaalinta horkeeneen dhibane uu eedeysanaha ka qaatay Teleefoonkiisa gacanta.

Waxyaaba kale oo ay soo bandhigeen Xafiiska Xeer Ilaalinta waxaa kamid ah intii ay socotay dhageysiga dacwadda laba markaati oo iyagana ka marag kacay in Eedeysanaha uu xabado ku furay Ilaaladii Boliiska iyo dhibanaha taasi oo ugu dambeyn sababtay geerida Ex. Dable Boliis Jamaal  Abuukar Jiinow.

Cadeymaha kale ee la horkeenay Maxkamadda waxaa kamid ah Qorigii uu dhacca ku  geystay oo nuuciisu ahaa AK-47, Sawirka Marxuumka iyo Warqadda dhakhtarka ee cadeynta Dhimashada.

Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo ciqaab u dhiganta Qodobada ay kusoo eedeeyeen maadaama eedeysanaha uu caadeystay dhaca dadweynaha iyo u bareeridda in uu nolosha dhaafiyo mid kamid ah ciidamada loogu talo galay in ay ilaaliyaan xuquuqda Shacabka.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in  Dable Xoogga Dalka Cumar C/qaadir Sh.Nuur Xuseen uu  iska difaacayay xabado ay kusoo rideen Ciidamada Boliiska, Sidoo kale uusan ku tala gelin dilka Marxuumka, waxa ayna garsoorayaasha weydiisteen in laga qaado diyo.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan kasoo saartay Eedda loo heysto Dable Xoogga Dalka Cumar C/qaadir Sheikh Nuur  Xuseen waxa ayna ku xukuntay dil toogasha ah oo ah qisaasta Ex Dable Boliis  Jamal Abuukar Jiinow sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku eg 30-cisho xukunka Kadib.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...