Guddoomiye Muuddeey oo daah-furay dib u how-gelinta Wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed

Date:

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka Soomaaliya, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Caddaaladda, xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka , xildhibaanno ka tirsan Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, Taliyeyaal Ciidan, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir iyo ganacsato, ayaa Xalay ka qeyb galay munaasabad lagu daah-furayay Wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed.

Maareeyaha Wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed, S/Guud; Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in la hiigsanayo qorshayaal lagu dhisayo xarumaha Ciidanka iyo waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane; Maxamed Cabdi  Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in ay Dowladdu dhismooyin ka waddo Dalka, taasi oo qeyb ka ah aragtida madaxda Dalka.

Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya Mudane; Xasan Xuseen Xaaji, ayaa sheegay in Wakaaladdu ay faa’iido  weyn u tahay xarrumaha  hay’adaha kala duwan ee   Dowladda.

Gudoomiye ku Xigeenka -aad ee golaha Shacabka Soomaaliya Mudane; Cabiweli Sheekh Ibraahim Muuddeey ayaa  geba-gebadii daah-furayay dib u howl-gelinta Wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed oo ku bur-burtay dagaalladii sokeeyee ee Dalka ka dhacay.

Wuxuuna sheegay in uu Dalka uu u baahan yahay dib u dhis xooggan iyo in lagu soo kordhiyo dhismooyin cusub oo la jaan-qaada waqtigan casriga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...