Howlgal lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Shabaab hubna looga furtay oo ka dhacay Sh/Hoose

Date:

Howlgalkan ay sameeyen Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan Gobolka Shabeelada hoose ayaa lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan koxda Al-shabaab, iyadoo sidoo kale looga qabsaday Hub iyo saanad kale oo ay u adeegsan jireen dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Illaa 7 xubnood oo ka tirsan kooxaha Argagixisada Al-shabaab ayaa lagu khaarijiyay howlgal ballaaran oo Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen bar ay ku dhuumaaleysanayeen malleeshiyada nabad-diidka oo ku dhow degaannada Gendershe iyo Dhanaane oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose,iyadoo sidoo kale laga qabsaday Hub iyo rasaas 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey.

 

Taliye kuxigeenka qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare ; Xasan Aadan Xaashi ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in howlgalkaasi khasaare xooggan ay ku gaarsiiyeen kooxaha jid iyo jaha diidka naflacaariga ah ee Alshabaab, kuwaasi oo gabbalkooda uu sii dhacayo.
“Howlgalada waxaa ay ka dheceen Dhanaane iyo Gendershe,waxaan ku dilnay 7 ka tirsan argagixisada,hubna waan ka furanay,waxay isugu jiraanm AK 47, BKM,Sabanno,iyo rasaas badan oo ay dadka ku dhibaateynayeen”. Ayuu yiri taliye Xasan Aadan Xaashi.

Howlgalkan ayaa ka dambeeyey kadib markii ciidanku ay heleen xoggo ku saabsan goobo cayiman oo maleeshiyaadkaasi ay kaga dhuumaaleysanayeen oo ka dhaca Gendershe,Dhanaane iyo Ceel Saliini,islamarkaana bartooda ku weeraray.

 

Saraakiisha kala ah Gaashaanle; Sare Xasan Aadan Xaashi, Taliye kuxigeenka qeybta 12ka April ee Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare; Maxamed Maxamuud (Qataatow), taliyaha Gurmadka 12 April iyo Taliyaha Guutada 1-aad ee qeybta 12 April Gaashaanle Dhexe; Cali Maxamed Nuur oo ku sugan degaannada ay ka socdaan howlgalladaasi ayaa ku bogaadiyay Ciidamada in ay sii laba jibbaaraan gulufka ka dhanka ah cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab.

 

Tani ayaa muujinaysa culeyska military ee saaran argagixisada Al-shabaab, kuwaasi oo qaab dhuumaaleysi ah shacabka Soomaaliyeed ku dhibaateeya,balse aan lahayn awood muuqata oo ay ku dagaalamaan.

 

Dhawaan ayay ahayd markii in ka badan 30 maleeshiyaad ah looga dilay Al-shabaab deegaanka Ceel Saliini ee hoostaga Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose,taasi oo jawaab deg deg ah u ahayd weerar arbushaad ah oo ay ku soo qaadeen ciidammo ka tirsan Xooga Dalka Soomaaliyeed.



 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...