Soomaaliya oo ka qeybgaleysa shirweyne looga hadlayo Horumarinta Adeegga Boostada Adduunka

Date:

Geneva – Sebtembar -25-2019) Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha aan caadiga ahayn ee Midowga Boostada Adduunka (UPU), kaas oo looga hadlayo qodobo la xiriira Horumarinta boostada adduunka sida qaabka ay lacagaha u kala qaataan boostada Adduunka, gaar ahaan alaabaha waaweyn ee ganacsiga ah.

Wasiirka oo ka hadlayay ahmiyadda kulankan u leeyahay dalkeena ayaa sheegay in shirweynahani yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee Soomaaliya ka soo qeyb gasho tan iyo markii si buuxda ay ula soo noqotay xubinnimadeeda bishii Abriil ee sanadkan, taas oo maqneyd tan iyo burburkii dalka ka dhacay. Waxayna ku soo aadeysaa xilli uu gebogebo marayo qorshaha lagu billaabayo dirista boostada oo la filayo dhammaadka sanadkan.

Wasiirka oo sidoo kale ka hadlayay ujeeddada safarkiisa ayaa sheegay in ka sokow shirweynaha ay shirar doceedyo la yeelan doonaan UPU iyo dalal saaxiib la ah dalkeena, oo lagala hadlayo qorshaha dhismaha Boostada Soomaaliya oo la gaarsiin doono dhammaan dawlad-goboleedyada dalka si dadka Soomaaliyeed oo dhan ay uga faa’iideystaan.

Wasiirka oo ay wehliyeen Safiirka Soomaaliya ee Geneva, Danjire Ebyan Maxamed Saalax iyo khubaro ka socota Wasaaradda, ayaa kulamo la yeeshay Agaasimaha Guud ee UPU iyo Ku-xigeenkiisa, iyagoo kala hadlay sidii loo dhammeystiri heshiisyadii ay wada gaareen Wasaaradda iyo UPU bishii Abriil ee sanadkan.

“In dib loo dhiso adeeggii boostada wuxuu lama-huraan u yahay dhaqaalaha dalka maadaama boostadu qaban karo adeegyo muhiim u ah dhaqaalaha sida fududeynta ganacsiga internetka (ecommerce), fududeynta arrimaha maaliyadda iyo bixinta adeegyada dawladda ee ay muwaadiniintu ka faa’iideystaan (eGovernment),” ayuu yiri wasiirka oo ka hadlayay sida dhaqaalaha dalkeenu uga faa’iidi doono dib-u-dhiska adeegga boostada.

Soomaaliya ayaa sanadkan ka baxday dalalka ay cuna-qabateyntu ka saaran tahay dhinaca dirista boostada iyo xuquuqda codeynta, kuwaas oo gaaraya 24 dal oo u badan Afrika. Kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Boostada Adduunka ay isbeddelo waaweyn la kulantay 10kii sano ee ugu dambeysay ee adduunka ay ku soo kordheen ganacsiga internet (ecommerce), kaas oo yareeyay dirista warqadihii caadiga ahaa.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr....

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf...