Hay’ada duulista hawada Soomaaliya oo beenisay in la joojiyay duulimaadyada aada Magaalada Kismaayo

Date:

Maareeyaha hay’adda duulista Hawada Soomaaliya, Axmed Macalin Xasan, ayaa sheegay in aysan jirin xannibaad ay Dowladdu saartay duullimaadyada taga Magaalada Kismaayo.

Axmed Macallin Xasan, Maareeyaha hay’adda duulista Soomaaliya ayaa intaa ku daray in ay imminka ku shaqeeyaan nidaam caalami ah oo la jaan qaadaya habka Civil Aviation Dunida, taas oo ah in aysan Hawadeenna marin Diyaarad aan laga war qabin.

dhanka kale warbaahinta ayaa sii an sax ahayn u baahisay warka sheegaya duullimadayada tagay magaaladda Kismaayo in xayiraad lagu soo rogay, dowladda ayaa u sheegtay  shirkadaha Diyaaradaha in ay ku soo  war geliyeen  duullimaadyadooda ay ku tagyaan magaaladda Kismaayo 24 Saac ka hor sii looga war hayo duullimaadyadda adaya guud ahaan gobolladda dalka.

maareeyaha ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan duullimaadayda dalka una waafaqsan yahay nidaamyada  caalamig ah ee duullimaadayada adduunka laguna dardar galinyo hor usocdka hawlah shaqo ee horyaal Hay’adda duullista hawada ee Soomaaliya .

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...