Wasaaradda Awqaafta iyo Arriimaha Diinta oo shir looga hadlayo furtay kaalinta dagaallanka Musuqa

Date:

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya ayaa Maanta qabatay kulan lagu taageerayo saxiixa Madaxweynaha Soomaaliya ee ku saabsan dhisidda guddiga la dagaallanka musuq-maasuqa oo ay meel mariyeen Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka oo uu furay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta , Cusmaan Aaden Dhuuboow, ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin, Agaasimaha, Wasaaradda Awqaafta, Cumar Faaruuq, Agaasimaha waaxda wacyi gelinta, Sheekh Cali Dheere, Agaasimaha  Wakaaladda SONNA, Cabdullaahi C/raxmaan Heybe,Agaasimaha xiriirka Saxaafadda ee W/warfaafinta, C/qaaadir Maxamed Cadde , shaqaalaha Wasaaradda Awqaafta iyo culimaa’udiin..

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Cusmaan Aaden Dhuubow ayaa xusay in shirkan uu muhiim yahay, ka qeyb galayaashana ay diiradda ku saarayaan Diinta Islaamka waxa ay ka qabto musuqa, wuxuuna sheegay in uu hubo in laga gudbay waqtiyadii musuqa la adeegsanayay,

Wasiirka ayaa bogaadiyay tallaabadii uu Madaxweynaha Qaranka u qaaday dhanka la dagaallanka musuqa, taas oo uu sheegay in ay Dalka u horseedi karto guul la taaban karo.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya Cumar Faaruuq, ayaa sheegay in ay Wasaaraddu dedaal weyn ugu jirto sidii looga hor tagi lahaa musuqmaasuqa sida ay Diinta Islaamka qabto.

Agaasimaha wacyi gelinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta, Shiikh Cali Dheere ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga taxadiro hantida ummadda oo aan si khaldan loo isticmaalin , isagoo  mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Dowladda faray in loogu adeego Ummadda si caddaalad ah,

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...