Wasaaradda Awqaafta iyo Arriimaha Diinta oo shir looga hadlayo furtay kaalinta dagaallanka Musuqa

Date:

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya ayaa Maanta qabatay kulan lagu taageerayo saxiixa Madaxweynaha Soomaaliya ee ku saabsan dhisidda guddiga la dagaallanka musuq-maasuqa oo ay meel mariyeen Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka oo uu furay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta , Cusmaan Aaden Dhuuboow, ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin, Agaasimaha, Wasaaradda Awqaafta, Cumar Faaruuq, Agaasimaha waaxda wacyi gelinta, Sheekh Cali Dheere, Agaasimaha  Wakaaladda SONNA, Cabdullaahi C/raxmaan Heybe,Agaasimaha xiriirka Saxaafadda ee W/warfaafinta, C/qaaadir Maxamed Cadde , shaqaalaha Wasaaradda Awqaafta iyo culimaa’udiin..

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Cusmaan Aaden Dhuubow ayaa xusay in shirkan uu muhiim yahay, ka qeyb galayaashana ay diiradda ku saarayaan Diinta Islaamka waxa ay ka qabto musuqa, wuxuuna sheegay in uu hubo in laga gudbay waqtiyadii musuqa la adeegsanayay,

Wasiirka ayaa bogaadiyay tallaabadii uu Madaxweynaha Qaranka u qaaday dhanka la dagaallanka musuqa, taas oo uu sheegay in ay Dalka u horseedi karto guul la taaban karo.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya Cumar Faaruuq, ayaa sheegay in ay Wasaaraddu dedaal weyn ugu jirto sidii looga hor tagi lahaa musuqmaasuqa sida ay Diinta Islaamka qabto.

Agaasimaha wacyi gelinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta, Shiikh Cali Dheere ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga taxadiro hantida ummadda oo aan si khaldan loo isticmaalin , isagoo  mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Dowladda faray in loogu adeego Ummadda si caddaalad ah,

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...