Singapore:- Ciidamada Boliiska dalka Singapore ayaa xabsiga dhigay sadex haween oo lagu eedeeyay in ay taageero dhaqaale u fidin jireen kooxda Daacish.
Haweenkaan oo ka soo jeeda dalka Indonesiya, waxaa muddo u dhaxeysa 6 ilaa 13-sano ay ahaayeen shaqaale ka xoogsada gudaha dalka Singapore.
Magacyadan saddexda eedeeysane ee haweenka ah ayaa lagu kala magacaabaa Anindia Afiyantari, oo 33-sano jir ah, Retno Hernayani oo 36-sano jir ah iyo Turmini oo 31-sano jir ah, waxayna sameysteen shabakad xiriirka qadka ah oo ay la wadaageen kooxda ISIL.
Dowladda ayaa sheegtay in saddexda haween ay sidoo kale ahaayeen kuwo gacansaar la leh shabakado shisheeye oo ka dambeeya argagixisada caalamka, waxaana warku intaa ku darayaa in xarigga haweenkaasi uu muujinayo sii socoshada fekirka khaldan ee kooxda ISIL.