Saaxiibada soomaaliya oo soo dhaweeyay hannaanka deyn cafinta.

Date:

Qaar ka mid ah saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa soo dhoweyay wada-hadalada guusha kusoo idlaaday ee ku saabsanaa deyn cafinta iyo maamulka Maaliyadda ee dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, wadahadalladaas oo ka dhacay magaalada Addis Ababa 14-kii Sebtember.

Wadamada iyo ururada soo dhoweeyay arrintan ayaa waxaa ka mid ah
Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD (IGAD), Talyaaniga, Norway, Sweden, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Dowladda Mareykanka.

Saaxiibada caalamka ayaa intaas sii raaciyay: “Waxaan soo dhoweyneynaa iskaashiga dib usoo cusboonaaday ee deyn cafinta/khafiifinta iyo sidoo kale in la horumariyo dib-u-habaynta maamulka maaliyadda dowladda ee dalka oo dhan.

Waxaan bogaadineynaa siyaasadaha isdaba joogga ah ee socda iyo dadaallada dib u habeynta ee Soomaaliya oo dhan looga hirgelinayo hab maaliyadeed dhaxal-ga ah, taas oo gogol xaar u noqonaysa kobac iyo horumar loo wada dhanyahay, albaabadana u fureysa ilo dhaqaale oo wax looga qabto sababaha keena saboolnimada iyo u nuglaanta.

In geedi-socodka deyn cafinta uu kusoo idlaado guul ayaa waxaa ka faa’iideysan doona dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay uga suganyihiin dalka, iyagoo fursado u helaya ka faa’iideysiga ilo dhaqaale oo ballaaran oo laga helayo Hay’adaha Maaliyadeed ee Caalamiga ah (IFIS) waxayna culayska ka qaadaysaa maaliyadaha/ganacsiyada gaarka loo leeyahay. Si howshaas looga mira dhaliyo, waxaa muhiim ah in la helo wadashaqayn joogto ah iyo iskaashi dhab ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, wadashaqayntaas oo ku saabsan arrimaha maaliyadda iyo maamulka dowladnimo.

Waxaan soo dhoweynaynaa in saaxiibada caalamku ay dadaalllo dheeri ah ku bixiyaan sidii loo qaadi lahaa tallaabooyinka loo baahanyahay si loo gaaro deyn cafin, marka Soomaaliya ay soo gaarto Marxaladda Go’aan-gaarista [ee lagu caawinayo], oo ay ku jirto diyaarinta sidii loosoo fasixi lahaa dhaqaalaha Hay’adaha Maaliyadeed ee Caalamiga ah loona asteyn lahaa deeq maaliyadeed oo waafi ah.

Waxaan ku dhiiri-galinaynaa Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, laamaha fulinta iyo Sharci-dejinta inay joogteeyaan dadaalkan dib-u-habaynta ah ee wanaagsan ayna sii wadaan wadahadalka wax-ku-oolka ah ee wax lagu dhisayo si loo xaqiijiyo in horumar waqtiyaysan laga gaaro arrimaha mudnaanta sare u leh qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...