Kacdoon dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab ka billowday gobollo dalka ka mid ah.

Date:

Shacabka ku nool gobollada koofurta Soomaaliya oo billaabay dagaal ay deegaannadooda uga cirib tirayaan malleeshiyada argagixisada ah ee Al-shabaab.

Malleeshiyada Al-shabaab ayaa sii wada dhaca iyo boobka ay ku hayaan dadka xoolo dhaqatada, Ganacsatada, Beeraleyda iyo dad shacabka caadiga ah ee ku dhaqan gobollada, Shabeellooyinka, Hiiraan, Galgaduud, Xudur iyo deegaanno kale, laakiin cadaadis muddo sannado ah socday kaddib waxaa billowday kacdoon shacab oo ka dhan ah argagixisada Al-shabaab.

Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan waxaa ka aas-aasmay dhallinyaro la baxday Macawiisleey oo dagaal toos ah kula jira Al-shabaab, dagaallo badanna ugu geystay khasaare lixaad leh kaddib markii ay u dulqaadan waayeen dhaca ay Al-shabaab ku hayaan hantidooda.

Qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ayaa Al-shabaab laga saaray tuulooyin ay ku qaadayeen waxa ay ugu yeeraan Zakawaat-ka oo ay ku banneystaan xoolaha shacabka.

Dhallinyaro kacdoon abuubulan sameysay ayaa Al-shabaab kula dagaallantay tuulooyin hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool, waana dhacdadii ugu dambeysay.

Malleeshiyada Argagixisada ayaa tobaneeyo Geella ka dhacay tuulooyinkaas hasa yeeshee dhallinyaradii dagaalka ka gashay ayaa dhowr neef oo xoolahoodii la dhacay dib ugu soo furtay Al-shabaab.

Warbaahinta Qaranka ayaa wareysatay maamullada deegaannadii lagula dagaalay nabad-diidka iyo qaar ka mid ah dhallinyaradii abaabulkaas sameysay oo wacad ku maray in ay dhulkooda u diidi doonaan argagixisada.

Waxaa socda abaabul kale oo ay shacabka ku damacsan yihiin in ay ku mideeyaan dagaallada laga isaga xorreynayo Argagixisada Al-shab

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo qadka teleefanka ugu hambalyeeyay dhiiggiisa dalka Uganda.

Muqdisho, Jannaayo 21, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay Shir-weyne ku Saabsan Nidaamka Federaalka.

Muqdisho, Janaayo 21, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...