Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay kacdoonka ka dhanka ah argagaxisada.

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay tallaabada iska caabinta ka dhanka ah argagaxisada Al shabaab, kadib markii gobollo Koonfurta iyo bartamaha dalka ka mid ah ay ka billaabatay kacdoon shacbi ah kuwaas oo dagaallo ugu hortagay argagaxisada.

Kacdoonkan shacbi oo ka dhanka ah Al shabaab ayaa ka curtay deegaannada Koonfur-Galbeed Hirshabeelle, iyo qeybo ka mid ah Mudug, kuwaas oo lagu wiiqay aragagaxisada, kacdoonka halgamayaasha Macaawisleey ayaa ka jawaabaya cadaadiska aragagaxisada ay ku hayaan shacbiga Soomaaliyeed.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS ayaa soo dhaweynaya kacdoonka shacbi ee ka dhanka ah argagaxisada ah.

“Dowladda Federaalka waxaa ay soo dhaweynaysaa kacdoonnada lagu wiiqay awoodda kooxda argagaxisada ah ee Al shabaab, oo shacabku kaga horyimaadeen gobollada Shabeellada dhexe, Mudug iyo Hiiraan.

Kooxda Al shabaab waxaa ay caadeysatay daadinta dhiigga bulshada Soomaaliyeed isla markaana waxaa ay boob iyo hanjabaad joogta ah ku cadaadiyaan shacbiga Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...