Wasiirka Caafimaadka XFS iyo madaxda Qatar Charity oo wada jir xarigga uga jaray qeyb cusub oo lagu kordhiyay Isbitalka Deyniile

Date:

Munaasabad kooban ooo xariga looga jarayay xarunta cusub ee hooyada iyo Dhallaanka oo lagu kordhiyay isbitalka Deyniile ee Muqdisho waxaa ka qeybgalay wasiirka caafimaadka Soomaaliya Mawro Fowsiyo Abiikar Nuur madaxda Hay’adda Qatar Charity xafiiskeeda Soomaaliya oo kaalin ka qaadatay hirgelinta iyo qalabeynta xaruntaasi,guddoomiyaha demada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar iyo xubno kale,kuwaasi oo ku ammaanay Hay’adda Qatar Charity sida ay u garab taagan tahay bulshada Soomaaliyeed goor kasta.

Mas’uuliyiintan ayaa si wada jir ah u kormeerey qeybaha xaruntaasi ay ka kooban tahay,iyagoo u kuurgalayay habka loo qalabeeyey iyo dhismaheeda iyo in ay dabooli karto baahiyaha bukaanada,wasiirka caafimaadka ayaa maamulka isbitalkaasi ka dhageystay warbixin ku saabsan qaabka loo qalabeeyey xaruntaasi iyo sida ay bukaanada baahiyohooda u dabiili karto.

Cabdi Nuur Xaaji Cali Madaxa Hay’adda Qatar Charity xafiiskeeda Soomaaliya ayaa faah faahiyay dowrkoodi ku aadan howlaha xaruntaasi cusub lagu hirgeliyay iyo waxyaabaha ay ka kooban tahay.

“Maanta waxaa farxadweyn inoo ah in aan furno xarunta Hooyada iyo Dhalaanka ee Isbitalka Deyniile,xaruntan waxaa ay ka kooban tahay 11 qol oo dhamaan qeybaha loogu talagalay hooyada iyo dhalaanka ka kooban farmashi leh,qeybtii Sheybaarka leh,marka xaruntaasi waxaa dhistay oo maalgelisay Qatar Charity,waxaana howsha socodsiinaysa Hay’adda back.”. ayuu yiri Cabdi Nuur Xaaji Cali

Wasiirka Caafimaadka XFS Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa bogaadiysay howlaha lagu garab istaagayo dadka danyerta ah,iyadoo ka wasaarada ahaan sheegtay in dowrkodi ay ka qaadanayaan sidii loo daabooli lahaa baahiyaha caafimaad ee bulshada.

“Hay’adda Qatar charity waxbadan ayay dalka ka qabatay,ma ahan oo kaliyaha xaruntan,waan u mahadcelinaynaa,xaruntan hooyada iyo dhalaanka waa waxyaabaha wadanka uu u baahanyahay,meelaha dalka uu ka nugulyahay waa Hooyada iyo Dhalaanka,anaga waxaan ku dadaalaynaa wax allaale wixii karaankeeni ah in aan raadino”.ayay tiri wasiirka Caafimaadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...