Aqoon Isweydaarsi ku aaddanaa sidii loo xoojin lahaa ciidanka ilaalada xeebaha oo muqdisho lagusoo gabagabeeyay.

Date:

Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka ah ayaa soo qaban qaabisay aqoon is weydaarsi ku aaddan sidii loo heli lahaa ciidan Booliis ah oo awood u leh ilaalada xeebaha, ka hortagga tahtiibka iyo isu socodka kooxaha nabadiidka ah.

Waxaa kulnkaasi ka qeyb galay ciidanka Booliiska Federaalka ah gaar ahaan laanta ilaalinta xeebaha iyo Booliiska maamul goboleedyada, isla markaana ay kulankaasi goob joog ka ahaa saaxiibada Soomaaliya ee taageerada caalamiga ah sida UNSOM, UNPOL, iyo AMISOM.

Isku duwaha xafiiska ciidanka ilaalada xeebaha ee Wasaaradda amniga Muntaziyah Jimcaale Xaaji, iyo madaxa howlgalinta laanta ilaalada xeebaha ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Dhame Xasan Maxamuud Caddow oo labadaba ka hadlay kulankaasi waxaa ay sheegeen in aqoon is weydaarsigaan uu wax badan ka tari doono dhinacyo badan oo amniga soomaaliya wax looga qaban karo.

Taliyaha laanta ilaalada xeebaha ee ciidanka booliiska soomaaliyeed G/dhexe Bashiir Cabdi Qaasim waxaa uu sheegay in baahi weyn loo qabo aas-aaska ciidan booliis ah oo awood u leh difaaca iyo ilaalinta xeebahooda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga mudane Cabdinaasir Saciid Muuse oo kulankaasi soo xeray ayaa sheegay in la joogo xilligii lasoo dhammeystiri lahaa cudud ciidan booliis ah ee lagu aamini karo ammaanka xeebaha Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...