Wasiirka A/Gudaha Soomaaliya Oo Ku ammaanay Dowladda Waqtigii ay ku bixisay In Shir Dib-u-heshiisiinta Beelaha uu Ka Dhaco Galmudug.

Date:

Wasiirka W/ A/Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dalka ku bogaadiyey doorkii wanaagsanaa oo ay ka qaateen shirkii Dib-uheshiisiinta ee Beelaha Soomaaliyeed ee kudhaqan deegaannada kala gedisan Galmudug.

Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in shirkii Dib-u-heshiisiinta ee magaaladda Dhuusamareeb uu soo xiray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si-wanaagsan ugu soo dhammaaday, Iyadda oo laga gaaray guulo waa weyn.

Wasiirka ayaa ergada ka soo qeyb gashay ee matalaadda beelaha Galmudug loogu talo galay in ay xal waara ka gaaraan deegaanadooda si ay dadku u helaan nabad iyaga oo wadajira.

Intii uu socday shirka ayaa lagu guuleystay in la dhammeeyo waxyaabihii u dhaxeeyay beelaha qaarkood.

Wasiir Cabdi Max’ed Sebriye ayaa ku ammaanay madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo R/Wasaare Kheyre waqtiga ay ku bixiyeen iyo sida uu bilaabmay shirka Dibuheshiisiinta uu dhowaan soo xiray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxaana uu ugu mahadceliyey sida ay Galmudug haatan wixii ka dambeeya ay diyaarinayso in Doorashadda Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa iyo soo xulista baarlamaanka maamul gobolleedka ay dhowaan ka billaaban doonto magaalada Dhuusomareeb.

Musharaxiin badan ayaa isu soo sharaxay doorashada Madaxweynaha ee Galmudug kuwaasi oo ku dhawaaqay musharaxnimadooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...