Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo guddoomiyay shirka degmooyinka.

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay kulanka degmooyinka gobolka Banaadir oo todobaadkii mar la qabto kaas oo looga hadlo xoojinta horumarka Caasimadda iyo islaxisaabtanka waxaana kulankaasi isugu yimaaday hoggaanka sare ee maamulka gobolka Banaadir iyo madaxda degmooyinka.

Qodabadii shirkani looga hadlay waxaa kamid ahaa Amniga, kor u qaadista kobaca dhaqaalaha, Nadaafadda, Sports-ka, canshuuraha iyo hoos u daadajinta adeegyada dowladda hoose Xamar.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa kula dardarmaay madaxda degmooyinka gobolka Banaadir in bulshada si hufan loogu qidmeeyo iyo sidoo kale xoojinta wadashaqeynta maamulka degmada, laamaha amniga iyo shacabka si loogu guuleysto ka hortagga kooxaha nabadiidka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...