Duqa Muqdisho oo la kulmay dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa aqalka dowladda hoose Xamar kulan gaar ah kula qaatay qaar kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir, isagoo kala hadlay sidii looxoojin lahaa wada shaqeynta maamulka gobolka Banaadir iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Kulankani waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenannda maamulka gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir iyadoo duqa magaalada Muqdisho uu warbixinno khuseeya xaaladda dadka baahiyaha gaarka qaba ka dhageestay hoggaanka golaha naafada qaranka kuwaas oo sheegay iney dadka naafada ah u baahan yihiin daryeel gaar ah iyo iney helaan fursad lamid ah kuwa lasiiyo dadka lixaadkooda dhammeystiran yihiin.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay garab istaagga dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo iney helaan fursado wax ku-ool u ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...

Hay’adda SODMA iyo Maamulka K/ Galbeed oo Bakool ka sameeyay howlo biyo dhaamin ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...