Wasaaradda Qorsheynta DfS oo kulan ah la qaatay xubnaha Laanta Fullinta ee Degmada Caabud-waaq “Sawirro”

Date:

Kulan wadatahsi ah oo ay ka qeybgaleen madaxa maamulka Degmada, Ciidamada Nabad galyada, aqoonyahanka,isla markaana looga hadlaayey la socodka adeegyada lagama maarmaanka u ah bulshada ku dhaqan degmada Caabud-waaq,ayaa lagu qabtay degmadaasi oo ka tirsan gobolka Mudug.

Kulankan oo ah wareegga labaad ee Qorshaha 9–aad ee Horumarinta Qaranka waxaa lagu dhageystay baahiyaha muhiimka ah iyadoo lagu soo bandhigay liiska u baahan wax ka qabashada ee la doonayo in lagu jaan-gooyo ahmiyadda saddexda ah ee Qorshaha Qaranka iyo tiirarka dhaxtaalka ah ee la doonayo in dalka himiladiisa looga run sheego 5-ta sano ee soo socota.

Agaasimaah Guud ee Qorsheynta iyo Hourmarinta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Qorsheynta Muuse Maxamed Cusmaan ayaa sheagay in muhiimad wayn u leeyahay qorshaha dalka sababatana ay tahay in dalka loo jiheeyo in uu gaaro horuamrka aduunyada ay gaartay.

Agaasimaha ayaa tilmayay in talooyin dhaxal galka ay ay soo gudbiyeend laanta fulinta degmada C/waaq, isagoo cadeeyay in dadka Soomaaliyeed ay ka shaqeynayaan horumarka wadanka,sidaa daraadeedna loo baahan yahay arinta ah in la helo hiigsi ku aadan halka la doonayo in la gaaro

Waxaa heer gaba gaba ah marayo geedi socodka Qorshaha Horuamrinta Qaranka oo dhammaan laga wada talagaliyay guud ahaam umadda Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka, taas oo ka dhigan in qaran jabkii ka dib qofka Soomaaliyeed go’aamiyo masiirka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....