Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug+Sawirro

Date:

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo xiray Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug isagoo Ku dhawaaqay in loo gudbay wejigii labaad ee qorshaha dhammaystirka dhismaha maamul mideysan oo hana qaada, kana tarjuma hiigsiga iyo himilada bulshada Deegaannada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka mideysan ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee horseeday qabanqaabada iyo qabsoomidda Shirweynahan, isaga oo ku ammaanay bulshada, waxgaradka iyo haldoorka deegaannada Galmudug biseylka ay muujiyeen iyo in ay wadajir ugu istaageen ka mira-dhalinta fursaddan taariikhiga ah.

“Dib-u-heshiisiinta aan bilihii la soo dhaafay ku hawllanayn caawa ayaynu wada aragnaa mira-dhalkeeda. Geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta oo ina gaarsiinaya in aan u gudubno wajiga labaad ee soo xulista iyo dhisidda maamul sal adag leh oo Galmudug ay yeelato.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u ballanqaaday shacabka reer Galmudug in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la garab taagan tahay taageero joogto ah iyo sidii ay u xaqiijin lahaayeen himiladooda iyo horumarka ay hiigsanayaan.

Madaxweynaha ayaa dhaqanka, dhallinyarada, culimada, ganacsatada, haweenka iyo siyaasiyiinta reer Galmudug ugu baaqay inay midoobaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si loo helo Galmudug mideysan, horumarsan, barwaaqo ah oo ay bulshadeedu si nabad ah u wada nool yihiin.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxa Xukuumadda Galmudug Sh. Maxamed Shaakir Cali iyo Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo dhammaantood kaalin mug leh ka qaatay qabsoomidda iyo guul ka gaaridda Shirweynaha.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...