Wasiirka Waxbarashada oo Shir uga qeyb galay Dalka Cumaan

Date:

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa  Magaalada Muscat ee dalka Oman kullan kula qaatay shirkado badan oo hal-abuur dhanka teknoolajiyada ku takhasusay oo loogu tala galay in lagu hago nidaamka waxbarashada dalka.

Kullanka oo ay Goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka kala socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Jaamacadda Simad, Jaamacadda Muqdisho iyo Jaamacadda City ayaa looga hadlay hal-abuur dhanka teknoolajiyada ku taqasusay oo loogu tala galay in lagu hago nidaamka waxbarashada.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in shirkani muhiimad gaar ah uu u leeyahay Horumarinta waxbarashada Dalka.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada  XFS Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka Go,an taha in la helo waxbarasho tayo leh .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...