Hay’adaha u xilsaaran dib u-eegista dastuurka oo warsaxaafadeed soo saaray.

Date:

Shirkaan oo u dhexeeyey hey’adaha u xilsaaran dib u eegista Dastuurka kmg ah ee Soomaaliya, sida guddiga madax bannaan ee dib u eegista Dastuurka Guddiga la socodka iyo Hirgelinta Dastuurka ee Barlamaanka labadiisa Aqal iyo wasaaradda Arrimaha Dastuurka, waxaa lagu  falanqeeyey qorsheyaashii la dajiyey ee loogu talogalay in la fuliyo sannadkaan 2019-ka.

Waxaa kaloo diiradda la saaray sida ay u socoto tubta geeddi-socodka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya, qorsheyaasha kale ee haray iyo caqabadihii lala kulmay sannadkaan 2019-ka.

Doodda kaddib ayaa la isla qaatay ilaa 6 qoddob oo ujeedadu tahay in lagu dardargeliyo howlaha ka haray dib u eegiska Dastuurka Kmg-ka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka Barlamaanka Soomaaliya  Labadiisa Aqalka Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay xal u helidda caqabadaha hor gudban qorshaha dhammeystirka Dastuurka ee loo asteemeyey December 2019-ka.

Dhinaca kale wasiirka Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa hoosta ka xariiqay in madaxda Qaranka iyo wasaaradduba ay wadaan dadaal lagu dhammeystirayo waxyaabaha ku xiran heshiisyada Siyaasadeed ee Dastuurka Dalka.
Dastuurka Soomaaliya oo ah arrin masiiri ah ayaa waxaa ku jira qodobbo u baahan in laga galo wadxaagood siyaasadeed, isafgarad iyo isu tanaasul, iyadoo hey’adaha Dastuurka u xilsaaran ay xaqiijinayaan geeddi-socodka dhammeystirka Dastuur loo dhan yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...