Wasiir Khadiijo: “Haddii Aad Tihiin Xulka Qaranka, Ummadda Soomaaliyeed & Dowladda Waad Farxad geliseen”

Date:

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Marwo Khadiijo Diiriye oo khadka telefoonka ku bogaadisay xulka Qaranka xilli ay la ciyaarayso xulka dalka Zimababwe ayaa u dirtay fariintan gaar ahaan cayaartooyda Xulka Qaranka Soomaaliya.

“Hadii aad tihiin xulka Qaranka,Wasaaradda,Umadda Soomaaliyeed,dowladda iyo bulshada meelkasta oo aad joogaan gudaha iyo dibadda waad farxadgeliseen, waxaana alle idinkaga baryaynaa in aad guusha heshaan,magaca adinkaa keeney”.  Sidaasi waxaa khadka telefoonka ka bogaadisay Wasiir Khadiijo Diiriye oo xilligaasi maanta ay ka muuqatay farxad.

“Magaca Soomaaliyeed maanta meesha aad gaarsiiseen, muddo 30 kadib, cidi ma ogeen dadaalkii lagu bixiyay arrintaasi, waxaad ogaataan in la idinka war-qabo illaahay ha idin garab galo, mid walba oo idinka mid ah madax ayaan ka dhunkaday guuleysta, Allah-macakum.”. ayay tiri wasiir Khadiijo.

Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo khadka telfoonka kula hadashey xulka Qaranka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, kuwaasi oo maanta la cayaaraya xulka qaranka dalka Zimbabwe, ciyaar kamid ah is reeb-reebka koobka Addduunka ee 2020.

Khadiijo ayaa sheegtay in dhammaan madaxda dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed ay taageero iyo ammaan ay la garab taagan yihiin xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, iyadoo ku dhiirigelisay in ay difaacaan magaca ummadda Soomaaliyeed.

Ciyaartan dhex-maraysa xulalka qaramada Soomaaliya iyo Zimbabwe ayaa ah mid aad u xiiso badan, waxaana ka qeyb galaya taageerayaal Soomaaliyeed oo ka kala socda gudaha iyo dibadda dalka, kuwaasi oo ku sugan caasimadda Dalka Zimbabwe ee Harare.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...