Wasaaradda Cadaaladda DFS oo shaacisay Qorshe lagu hormarinayo hannaanka Cadaaladda

Date:

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in uu socdo qorshe lagu hormarinayo hannaanka Cadaaladda dalka.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo Wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa waxaa uu ka hadlay Hirgalinta nidaamka  cadaaladda dalka oo ay wadaan, Islamarkaana la tashiyo kala duwan kala sameeyeen dowlad goboleedyada dalka ka jira iyo qeybaha kala duwan ee Ururrada Bulshada Rayidka ah.

Wasiirka ayaa sheegay in nidaamka cadaaladda la doonayo in uu lajaan qaado nidaamyadda cadaaladda ee dunida ka jirta lehna awoodihii lagu fullin lahaa.

“Waxaa jiray in aan ka shaqeyneynay hanaanka cadaaladda, asluubta iyo siyaasad weyn oo dowlad gobolleedyadda iyo dowladda federaalka ayaa nidaamkaas si-wadajir ah uga soo shaqeeyeen, hanaankaas oo la horgeeyey golaha wasiiradda oo ay ansixiyeen”

Ugu danbeyn Wasiirka ayaa sheegay in hannaankaasi laga hirgalin doono dhammaan dalka si ay dadka Soomaaliyeed u helaan nidaam cadaaladeed oo wanaagsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...