Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Xudur xarunta gobolka Bakool waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay maamulka gobolka iyo mas’uuliyiin kale, soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha ayaa si xoogga looga dareemayaa magaalada iyadoo shacab magaaladaasi ay si xooggan isugu soo baxeen.
Ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu joogo Xudur goob fagaara ah kula hadli doona bulshada magaaladaasi, ammaanka magaaladaasi ayaa si xooggan loo adkeeyay kadib Ra’iisul wasaare Kheyre oo markii ugu horreysay booqanaya gobolka Bakool.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaan inta uu joogo Xudur la kulmi doona hoggaanka dhaqanka iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada, Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa afartii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa deegaannada koonfur galbeed si uu’ ugu kuurgalo xaaladaha kala duwan ee kajira deegaannadaas.