FIFA “ciyaar wanaagga xulka Soomaaliya waa caddeyn muujinaysa dib u kabashada Soomaaliya.

Date:

Wiilasha Mucjisada ah ee Soomaaliya oo ku haminaya in ay taariikh hor-leh sameeyaan.

Oraahdaan soo jiidashada leh waxaa lagu qoray Website-Ka xiriirka caalamiga ah ee kubadda cagta adduunka ee FIFA, waxa ay cadeyn u tahay in ay Soomaaliya dib u soo laabatay oo markan aysan aheyn sidii hore.

Guushii geesiyada Xulkeenu ay ka gaareen dhiggooda Zimbabwe waxa ay abuurtay taariikh cusub oo lagu rajo weynyahay in ay Lugta Labaadee ciyaartaan in ay abuurto taariikh ku qoran boggaga caalamiga ah iyo mida dalkeenna, sidoo kalena cashar u ah jiritaanka taariikhda kubbadda cagta dunida.

Wiilsha Qarankeena oo kulankii lugta hore ee Isreebreebka koobka adduunka 1-0 afka ciidda ugu daray dhiggooda Zimbabwe ayaa galabta markale rajeynaya in ay libin kala soo laabtaan garoonka National Stadium ee magaalada  Harare ee caasimadda dalka Zimbabwe, taas oo noqon doonta mucjiso kale oo ay dhigaan xiddigaha xulka Qaranka Soomaaliya oo laga soo kala xulay gudaha dalka iyo dibaddiisaba.

Tababaraha reer Ghana  ee hogaaminaya xulka Qaranka Soomaaliya   Bashir Hayford ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay kulanka ay galabta wajihi doonaan xulka Zimbabwe, wuxuuna sheegay inay si weyn u diyaar garoobeen, isla markaana ay sameyn doonaan wax walba oo ay ku guuleysan karaan.

Tababaraha xulka Zimbabwe   Joey Antipas  oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa wel wel ka muujiyay kulanka galabta dhici doona, waxa uu  tilmaamay in aan la sahlan karin bandhigga iyo xirfada cajiibka ah oo ay soo bandhigeen xulka Qaranka Soomaaliya, isagoo xulkiisa kula taliyey in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan si ay u aargutaan.

Madaxda ugu sareeysa dalka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ayaa hiil iyo duco la garab taagan Xulka Qaranka, iyadoo ay xusid mudantahay in dhallinyaro badan oo iskood isku abaabulay ay kasoo ambo baxeen dalal badan oo ay ka mid yihiin Zambia, Mozambique iyo South Afrika   si ay  u garab istaagaan xulkeena Ocean Stars oo talaabo u jira inay usoo baxaan wareega xiga ee isreeb reebka koobka dunida ee sanadka 2022 lagu qaban doono dalka Qatar

Hadii wiilasha xulkeenu ay guuleystaan oo ay taariikhda markii ugu horeysay u tallaabaan wareega labaad ee Isreebreebka koobka dunida, waxey ka mid noqon doonaan 14-ka xul ee kasoo gudba wareega koowaad, kuwaas oo ku biiri doona 26-ka xul ee ugu awooda badan Qaarada Afrika, waxeyna wadartu noqon doonto 40 xul, iyadoo kadibna loo sameyn doono isku aadka wareega xiga waxaana  loo qeybin doono 10 groups.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...