Shirka 14aad ee qaramada midoobay ee xaalufinta degaanka, abaraha iyo isbadalka cimilada oo ka furmay dalka India+ Sawirro

Date:

Shirka 14aad ee qaramada midoobay ee xaalufinta degaanka, abaraha iyo isbadalka cimilada ayaa ka furmay dalka India waxa daahfurka shirka ka Soo qayb galay ra’iisulwasraha dalka matida looyahay India Mr Narendra Modi.

Shirka waxaana sanadkaan Soomaaliya uga qaybgalaya safiirka Soomaaliya u fadhisa Dalka India marwo Faduma Cabdullahi Maxanuud Insaaniya iyo agasimaha guud ee agaasinka deegaanka iyo isbedelka cimilada ee xafiiska RW Soomaaliya Axmed Yusuf Axmed sido kale waxa shirka goobjoog  ka aha la taliyaha sare ee dhinaca siyaasadda madaxwaynaha Mr Cali Da’ud.

Shirka waxa isugu yimid Inka badan 196 dalka  100 wakiilo kala duwan ah iyo hay’adaha daneya Arrimaha degaanka shirkaan waxa sido kale dhinac socday shirarka kala gooni gooniyaha inta badan diirada lagu sarayay degaanka cimilada iyo dhulka aybaaruhu sameynayaan.

Inta badan dalaal hadalada ka jediyay kulanwaynaha waxa ay aad uga waramayeen cimilada hawada wasaqaysan iyo sidi xal lagu helilaha.

Dhanka dowlada Somalia oo ay uhadashay amabsadoor faduma cabdullahi insaaniya Aya shegtay in wasaqawga hawada ay ubahantahay in  hoos loo dhigo si loo abuuro fursad lugula Soo baxo qayraadka loona kordhiyo awooda tamarta .

Shir waynaha qaramada midoobay ee  xaalufinta degaanka iyo hoos udhigida abaaraha sameya dhulka ayaa waxa uu socon doona ilaa 13ka September ayado lagu gorfayn doono Arrimaha degaanka iyo isbadalka cimilada

Xafiiska wasaradda  warfaafinta safaaradda Soomaaliya ee dalka India.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda

Faallo; Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa sii xoojinaya xiriirkooda taariikhiga...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Congo oo laga guddoomey Waraaqihiisa Aqoonsiga

Safiirka JFS ee dalka Congo Mudane, Ilyaas Cali Xasan,...

Duqa Muqdisho iyo Culimaa’udiinka oo ka wada hadlay wacyigelinta bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Soomaaliya oo ka qaybgashay shir looga hadlayay u adkaysiga cimillada

Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shir muhiim ah oo...