Madaxweyne Waare Oo Guddoonsiiyay Motooro Qaar Ka Mid Ah Beeraleyda Beledweyne.

Date:

Maxadweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Guddoonsiiyay matooro loogu talo galay in lagu horumariyo beeraleyda Hirshabelle, waxaana Maamulka ka gacansiiyay Hey’adda ARC kaddib munaasabad ka dhacday hoolka shirarka magaalada Beledweyne, waxaana munaasabadda goob joog ka ahaa xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Hirshabebelle Mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo, iyo Qaar ka mid ah beeraleyda gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Waare oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta muhiimada ka faaideysiga wax soo saarka beeraha hirshabelle,isagoo xusay in barnaamijkani uu qeyb ka yahay Qorshaha lagu horumarinayo Beeraleyda Deegaanada Hirshabelle, waxaana uu tilmaamay in muhiim ay in laga faaideysto biyaha webiga shabeele taa bedelkeeduna aysan noqon mar in uu wabiga uu fataho marna uu qalalanyahay.
“Barnaamijkani runti waxa uu qeyb ka yahay mashaariicda lagu xoojinayo adkeysiga beeraleyda ay u adkeystaan abaarooyinka, fatahaadaha si ay u soo saartaan wax soo saarka, gaar ahaan wax soo saarka la iib geeyo ay qudaartu ugu badantahay, runtii barnaamijkani waxa uu horseed u yahay barnaamij weyn oo u jeedadiisu ay tahay in nolosha beeraleyda hirshabelle wax looga bedelo qeyb ka mid ah, barnaamijyadaas maalgalinayo deeq beexiyayaal kale duwan, qeybta ugu weyn waa qeybta lagula tacaalayo, ee ka hortagayo fatahaadaha ee mar walba soo noqdo” Ayuu yiri madaxweyne Waare.
Madaxweynaha Hirshabelle Mr Waare oo sii hadlay ayaa u mahaceliyay hey’ada ka gacan siisay maamulka qalabkani oo muhiimad gaar ah ugu fadhiyo beeraleyda Soomaaliyeed gaar ahaan beeraleyda Hirshabelle, waxaana uu xusay in muhiimad gaar ah ay ugu fadhiso kor u qaadida xirfadda iyo aqoonta beeraleyda ayna ku howlanyihiin in laga faaideysto wax soo saarka dalagyada beeraha.
maamulka hirshabelle ayaa qorsheeyay 1535 matooro in looga faaideeyo beeraleyda hirshabelle iyadoo beeraleyda magaalada Jowhar horey la guddoonsiiyay matooro sidaan oo kale, waxaana Maanta madaxweynaha gacantiisa uu ku Guddoonsiiyay 375 ka mid ah beeraleyda Magaalada Beledweyne iyo Deegaannada hoosyimaada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...