Dr Baadiyow oo ka warbixiyay shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Date:

Waxaa lasoo gabagabeeyay wajigii koowaad ee shirka dib u heshiisiinta Galmudug kaas oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday dhammaan beelaha Galmudug magaalada Dhuusamareeb.

Shirka maanta waxaa diiradda lagu saaray hannaanka dib u heshiisiinta ee Dowladda Federaalka iyo guud ahaan fikirka dib u heshiineed oo soomaalida u baahan tahay.

Dr Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa ka warbixiyay marxaladihii uu soo maray shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

“Waxaa si xooggan looga dooday hannaanka dib u heshiisiinta Galmudug iyo fikirka dib u heshiineed ee Soomaalidu u baahan tahay, waxaa lagu soo gabagabeeyay in ay tahay dib u heshiisiin bulsho mid siyaasadeed iyo in Diinta Islaamka laga heshiiyo seddexdaas qodob ayaa la isla qaatay si fiicanna waa looga dooday.

Dr Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow wuxuu tilmaamay in guddiga dib u heshiisiinta iyo Wasaaradda arrimaha gudaha ay la fadhiisan doonaan beel kasta oo la weydiinayo su’aallo isku mid ah iyadoo diiradda lagu saarayo su’aalahaasi tabashada beelaha ay qabaan.

“Seddexda maalmood ee soo socota waxaan uruurin doonnaa xogaha la xiriira tabashooyinka iyo talooyinka beelaha ee dhismaha Galmudug, su’aallaha aan weydiineyno beelaha waxaan soo bandhigi doonnaa maalinta khamiista ah dhammaan tabashooyinka beelaha ay sheegtaan waan isku wada bandhigi doonnaa jidkaas ayaan ku soconnaa.

Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa maraya qeybtii ugu muhiimsanayd kaas oo ah in beeluhu isla gartaan hannaaka ay u dhisanayaan galmudug ay raali ka wadayihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...