Xawaalad Soomaaliyeed oo ku guuleysatay Xawaaladda ugu wanaagsan Sanadkan.

Date:

Bandhig loogu dabaal dagayay Xawaaladda Soomaaliyeed ee Taaj oo ku guuleysatay Xawaaladda ugu fiican ee sanadkaan ee dhaqan galisa sharciyada caalamiga ah ee Afrika.Abaal marinta waxaa guddoonsiyay Hey’adda ACCPA oo ah mid ka mid ah 3 Hey’adood ee ugu weyn Dunidan ee ka shaqeeya hubinta hufnaanta Maaliyadda.

Maamulaha Xawaaladda Taaj Cali Maxamuud Guuleed ayaa sheegay in nidaaminta adeegyada ay bixiyaan dhammaantood la waafajiyey maamul wanaagga, shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah, weliba si deg deg ah, iyadoo sidoo kale la fududeeyey hababka xawaaladeed ay u shaqeyso Taaj.

“Waxaan abaalmarintaan uga guuleysanay waddamo naga hormarsan waxaana ku gaarnay hubinta Bangiga dhexe ee habka xawaaladuhu u shaqeeyaan”

Guddoomiyaha ururka Xawaaladleyda Soomaaliyeed Cabdullaahi Maxamed Sheekh, ayaa yiri  “Meel hoose ayay ka soo bilaabeen waxayna marayaan heer ay ku guuleysteen xawaaladda ugu fiican qaaradda Afrika”

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliyeed Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ammaanay doorka Xawaaladda Taaj, hoostana ka xariiqay in Soomaaliya ay sii yeelaneyso bandhiyo la tartami kara kuwa kale ee caalamka.

Wasiirka Maaliyadda XFS Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa u hambalyeeyey xawaaladda Taaj waxaa uu tilmaamay guusheedu ay astaan u tahay halka Soomaaliya ka taagan tahay Hufnaanta Maaliyadda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...