Askari dilay Seddax walaalo ah oo la Xukumay

Date:

Todobadii Juneย  sanadkan ayaa lasoo xirayย  dable xooggaย  Xaashi Cali Maxamuud oo loo heysto dilkaย  Xasan Axmed Abuukar,ย  Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar ย oo ahaa walaalo, dilkaas oo ย dhacay degmada Kaaraanย  gaar ahaan Gumarey, kasoo hor jeedka xarunta xirta xaaji Daa’uud Taariikhdu markay aheydย  17-ka bishii lixaad 2018.

Xilligaas ayuu isaga baxsaday goobta uu dilka ka geystay Eedeysanaha, waxa ayna ciidamada amniga ku qaadatay soo qabashadiisa sanad iyo dhowr cisho.

15-ka bishii todobaad ee ย sanadkan ayay ku soo wareegtay xafiiska xeer ilaalinta eedda eedeysanaha,ย  waxaana xilligaasย  ay garsoorka weydiisteen in loo gudbiyo xabsiga dhexe garsuga ahaan.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa isku howlay baarista kiiska uu eedeysanaha ka yahay Dable Xoogga Xaashi Cali Maxamuud, baaritaan dheer kadib waxa ay codsadeen in la muddeeyo dhageyiga dacwad qaadista.

26-ka bishii tagtay ayaaย  la isugu yimid fadhigiiย  koowaad ee dhageysiga dacwadda, waxa ay xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda ka hor sheegeen in uu jiray muran dhuleed oo ay sababsadeen Marxuumiinta balse garsoorayaasha ayaa goโ€™aan ku gaaray in lala yimaado cadeymo intaas kabadan.

Markale ayaa loo ballamay dhageysiga dacwadda eedeysane Dable xoogga Xaashi Cali Maxamuud labadii bishan, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta la yimaadeen cadeyma dheeri ah oo ay kamid yihiin Muwaadiniin ka shaqeynayay geerashka ay mashaqada ka dhacday kuwaasi oo ku marag furay eedeysanaha sheegashadiisa ah in muran dhuleed kala dhaxeeyay marxuumiinta aysan waxba ka jirin, sawirka marxuumiinta, warqadda cadeynta dhimashada iyo baarihii kiiska.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaaย  ku dooday in eedeysanaha uu nolosha u aqoonsaday isaga oo miir qaba sedax walaalo ah oo midkoodna aan hubeysneen, waxa uu sidoo kale eedeysanaha u baxay dilka marxuumiinta uu uga safray Afisiyooniย  degmada Waabari isaga oo ugu tagay cirifka looga baxo magaalada (degmada Kaaraan), wax yaabaha kale ee cajiibka ah oo ay markaatiyaasha ka marag fureen waxaa kamid ah in mid kamid ah Marxuumiinta oo dhaawacย  ahaan u baxsaday fogaan uu dhameystiray Eedeysanaha, Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan ayaa sidoo kale iibsaday hantidii dowladda ku aamintay isaga oo muddo gambad ka ahaa heyโ€™adaha amniga ee ku raad joogay.

Qareenka Eedeysanaha ayaa codsaday in ay bixiyaan magta Marxuumka maadaama eedeysanaha ayย  reer wadaag ahaayeen Marxuumiinta.

Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa goโ€™aan ku gaaray in dil lagu xukum Xaashi Cali Maxamuud oo ah qisaasta Marxuumiinta kala ah Xasan Axmed Abuukar,ย  Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukarย  oo ahaa walaalo sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Goโ€™aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan kuโ€™eg Sodon cisha xukunka kadib.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale