Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dhagax dhigay dhismayaal lagu kordhinayo Jaamacadda Ummadda

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane; Xasan Cali Khayre ayaa Maanta Dhagax dhigay dhismayaal cusub oo ay yeelanayso Jaamacadda Ummadda qeybteeda Caabuudwaaq.

Dhismahan uu Ra’iisul wasaaruhu Dhagax dhigay ayaa ah Saddex dabaq, oo kooban 36 Fasal, Maktabad iyo Hool shirarka lagu qabto.

Ra’iisul Wasaaraaha oo ay wehliyeen xildhibaanno ka tirsan Labada gole ayaa reer Caabuudwaaq ku ammaanay dedaalka ay ku dhisanayaan Jaamacadda ummadda, si ay uga qeyb qaataan horumarinta waxbarashada sare ee Dalka.

Bulshada Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqay in ay Gacan ka geystaan dhismaha Jaamacadda, si ay awood ugu yeelato daboolidda baahida waxbarashada sare, ayna u soo saarto aqoonyahanno ka shaqeeya horumarinta mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed.

Mudane; Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in Dowladdu ay Gacan weyn ka geysaneyso dhammeystirka dhismaha Jaamacadda qeybteeda Caadbuudwaaq oo ah laanta ealiya ee ay ku leedahay meel bannaanka ka ah caasimadda Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...