Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dhagax dhigay dhismayaal lagu kordhinayo Jaamacadda Ummadda

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane; Xasan Cali Khayre ayaa Maanta Dhagax dhigay dhismayaal cusub oo ay yeelanayso Jaamacadda Ummadda qeybteeda Caabuudwaaq.

Dhismahan uu Ra’iisul wasaaruhu Dhagax dhigay ayaa ah Saddex dabaq, oo kooban 36 Fasal, Maktabad iyo Hool shirarka lagu qabto.

Ra’iisul Wasaaraaha oo ay wehliyeen xildhibaanno ka tirsan Labada gole ayaa reer Caabuudwaaq ku ammaanay dedaalka ay ku dhisanayaan Jaamacadda ummadda, si ay uga qeyb qaataan horumarinta waxbarashada sare ee Dalka.

Bulshada Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqay in ay Gacan ka geystaan dhismaha Jaamacadda, si ay awood ugu yeelato daboolidda baahida waxbarashada sare, ayna u soo saarto aqoonyahanno ka shaqeeya horumarinta mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed.

Mudane; Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in Dowladdu ay Gacan weyn ka geysaneyso dhammeystirka dhismaha Jaamacadda qeybteeda Caadbuudwaaq oo ah laanta ealiya ee ay ku leedahay meel bannaanka ka ah caasimadda Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...