Wafdi heer sare ah kana socda QM iyo Bankiga Adduunka oo kusoo wajahan Muqdisho

Date:

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 12-ka Bishan uu Muqdisho soo gaari doono wafdi heer sare ah oo ka kala socda Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa iyo Bankiga Adduunka.

Ujeeddada booqashada wafdigan ayaa lagu sheegay sare u qaadidda howlaha Bini-aaddan-nimada Soomaaliya, taageeridda nabadda iyo dedaallada horumarinta Dalka.

Wafdigan ayaa sidoo kale waxaa uu socdaalkiisu salka ku hayaa sidii loo xoojin lahaa taageerada ay Beesha caalamku u fidiso Soomaaliya,  wax ka qabashada arrimaha barakacayaasha iyo sidii xal loogu heli lahaa xaaladaha Bini’aaddan-nimo.

Ugu dambayn Wafdiga ayaa la kulmi doona hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada xubnaha ka ah, waxanay sidoo kale kulamo la qaadan doonaan hoggaamiyeyaasha Dadka kasoo barakacy Abaaraha iyo shaqaaqooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...