Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay howl-gal Degmada Jilib

Date:

Muqdisho (SNTV) Horjooge ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar ay si wada jir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo howl-galka Maraykanka ee Africom ka geysteen Shalay aga gaarka Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe.

War uu soo saaray Agaasimaha howl-galka Africaom, William Gayler, ayaa lagu sheegay in duqeymaha iyo weerarrada noocan ah ay Dhabar jab weyn ku yihiin Al-Shabaab , una diidayaan in ay sameeyaan dhibaatooyin ballaaran.

Qoraalka ka soo baxay taliska Africom oo aan lagu baahin Magaca horjoogaha, ayaa sidoo kale lagu sheegay in howl-galkaasi aysan waxyeello ka soo gaarin Dadka Rayidka ah ee ku dhaqan halkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn lagu soo dhaweeyay Laascaanood .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...